Home Wararka Maanta Shiikh Shariif oo Ka Hadlay Khilaafka Xoogan ee ka Dhaxeeya P.M Rooble...

Shiikh Shariif oo Ka Hadlay Khilaafka Xoogan ee ka Dhaxeeya P.M Rooble iyo Laftagareen

0

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa walaac ka muujiyey khilaafka soo kala dhex galay RW Rooble iyo Madaxweyne Laftagareen kaasoo salka ku haya kuraas lagu doortay K/galbeed oo dib loo celiyey.

Shariif ayaa intaas ku daray in haddii uu xal loo helin khikaafkaas oo caqabad iyo fashil ku keeni doono geeddi socodkii doorashada ee mudada dheer la soo waday, isagoo labada masuulba ka dalbaday iney keenaan xal khilaafka looga gudbo.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY SHARIIF SHIIKH AXMED

Ugu horreyntii waxaan bogaadinaayaa shaqada RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiyada doorashooyinka taas oo ku aadan bixinta shahaadooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed taas oo hadda mareysa meel fiican.

Dhanka kale waxaan aad uga walaacsanahay kala ra’yi duwanaanshaha soo kala dhex gashay RW  Rooble iyo Madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta Gareen taas oo khalkhal gelisey habsami u socodka doorashadii waqtiga dheer la sugayay soo gebagebeynteeda.

Sida la ogsoon yahay, doorashooyinku waxay soo mareen caqabado fara badan oo keeni karay burbur, hadana  mar walba waxaa looga soo gudbayey wada hadal, is fahan iyo isu tanaasul.  Khilaafkaan hadda taagan hadii aan xal loo helin wuxuu keeni karaa in lagu fashilmo qabashada doorashada, waxaana ka dhalan kara natiijooyin aan dalka iyo dadkuba u wanaagsanayn oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka jiilasha soo socda.

Sidaas darteed waxaan usoo jeedinaayaa Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Lafta Gareen in ay raadiyaan xal looga gudbo caqabadaha jira iyo is fahan-waaga la xiriira doorashada, tallaabo kasta oo la qaadayana waa in ay ahaataa mid isu dheelli tiran oo aan keeneyn dareen loo fahmi karo  in maamul gaar ah la beegsanayo.

Ugu dambeyn waxaan diyaar u nahay in aan kaqayb qaadanno xal u helidda iyo is fahamka RW & Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan u mahad celineynaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka dalka sida wanaagsan ee ay inoo garab taagan yihiin, guud ahaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaana doorashooyinka.

Ad
Previous articleWeerar Dhimasho iyo Dhaawac gaystay oo lagu Qaaday Caasimada Israaiil(Sawiro)
Next articleDowlada Turkiga oo Go,aan Cusub ka Gaartay Dilkii Wariye Jamaal kashoqi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here