Home Wararka Caalamka Dowlada Turkiga oo Go,aan Cusub ka Gaartay Dilkii Wariye Jamaal kashoqi

Dowlada Turkiga oo Go,aan Cusub ka Gaartay Dilkii Wariye Jamaal kashoqi

0

Dowladda Turkiga ayaa go’aan cusub oo dad badan lama filaan ku noqday ka qaadatay kiiska dilka Wariyihii u dhashay boqortooyada Sacuudiga ee sida arxan darada ahaa loogu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbuul.

Turkiga ayaa horey dacwad ugu soo oogay 26  eedeesane oo u dhashay Sucuudiga, waxaana dalka Turkiga ka socotay maxkamadeynta raga la tuhmayo iyaga oo maqan tan iyo sannadkii 2018-dii.

Garsoomaha maxkamada Turkiga ee kiiska dilka Jamal Khashoqji gacanta ku hayay ayaa cadeeyay in ay hakiyeen maxkamadeynta dadka loo heesto kiiska dilkan, waxa uuna garsooraha cadeeyay in kiiskaasi ku wareejiyeen Sacuudiga oo ay horey uga diideen.

Go’aankan ayaa yimid xilli wasiirka cadaaladda ee Turkiga u sheegay inuu aqbalay dalab ka yimid dacwad soo oogaha oo ahaa in la joojiyo maxkamadeynta dadka loo heesto kiiska Dilka Wariye Jamal maadama aysan eedeysanayaasha joogin Turkiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa horey dacwad ugu soo oogtay xukuna ku riday sideed qof oon la magacaabin oo Sacuudiga ku heleen in ay wax ka maleegeen dilka loo geestay Wariyaha Mucaaradka ku ahaa Boqortooyada Sacuudiga.

Hay’addaha u dooda xaquuqda aadanaha ayaa go’aankan kasoo baxay Sacuudiga ku tilmaamay mid siyaasadeed, waxa ayna layaab ku tilmaameen sida kiiskan gacanta loogu galinayo maamulkii lagu tuhmayay in dilkaasi amray.

Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Ka Hadlay Khilaafka Xoogan ee ka Dhaxeeya P.M Rooble iyo Laftagareen
Next articleBeesha Caalamka oo Codsatay in la Fasaxo kuraasta ay ku Dhageen Gudiga Doorashooyinku(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here