Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Degmada Qoryooleey

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Degmada Qoryooleey

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraalkaan oo ka aoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri “In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.”

Howlgalka ayaa ka danbeeyay kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan degmada Qoryoolay.

“Ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa burburiyay gaadiid qaraxyo ay ku soo xireen Khawaarijta oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka

Ciidanka dowladda ayaa wali ku sii raad jooga firxadka Al-Shabaab-kii soo weeraray degmada ee ka baxsaday dagaalka, waxaana meelaha qaar daadsan meydadkooda, sida ay sheegtay dowladdu.

“Ciidanka Qaranka Saaxiibada Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta duulaanka ku ah dadkeena, dalkeena iyo diinteena,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Kooxda Al-Shabaab oo ciidamada qaranka ku qaada weerarro afjar ah ayaa la sheegay inay ku jabeen weerarkii ay galabta ku soo qaadeen degmada Qoryooley.

Ciidamada dowladda oo ka war helay weerarkii kooxdaas ayaa u diyaarsanaa, waxayna isaga difaaceen si adag, dad ku sugan Qoryooley ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaal culus oo galabta ka dhacay gudaha iyo daafaha degmadaas.
Ad
Previous articleWasiir Cabdirisaaq oo Gaaray Baladweyne kuna wajahan Maxaas Xili Xasan Shiikh uguuraayo Maxaas
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Halka uu Maraayo Qorshihii Ciidmada loogu Celin lahaa Magaalooyinkii ay kasoo baxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here