Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Halka uu Maraayo Qorshihii Ciidmada loogu Celin lahaa Magaalooyinkii...

Wararkii ugu Danbeeyey Halka uu Maraayo Qorshihii Ciidmada loogu Celin lahaa Magaalooyinkii ay kasoo baxeen

0

Ciidamo oo isugu jira kuwa Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa ku qulqulaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada oo ay horkacayaan mas’uuliyiin kala duwan oo deegaanka ah ayaa ku qulqulaya degmadaasi, iyadoo laga jawaabayo baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ahaa in dadka reer Hiiraan ay kaalin mug leh ka qaataan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo uu hoggaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ay gelinkii dambe ee Khamiistii gaareen degmadaasi.

Ciidamo kale oo uu wato Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa iyana la soo sheegaya in xalay ku hoydeen degmadaasi.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xubno kale oo ku dhow dhow Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo ciidamo ay horkacayaan ay qayb ka yihiin masuuliyiinta gaaraya degmadaasi.

Magaalada Beledweyne ayaa xudun u ah abaabulka ciidamada faraha badan ee gaaraya Degmada Maxaas, halkaas oo la filayo in uu gaaro Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Dhanka kale masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug oo ka ambabaxay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa la sheegaya in sidoo kale ay gaareen degmadaasi.

Maxaas ayaa mar kale lagu diyaarinaya ciidan xoog leh, oo la doonayo in ay dhanka waqooyi ka weeraraan Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada hoostagga, ka dib markii uu guuldareystay qorshihii hore ee lagu xaqiijinayay amniga deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan magaaladaasi

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Degmada Qoryooleey
Next articleGalmudug oo amaro ka dhan ah Alshabaab kusoo rogtay Ganacsatada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here