Home Wararka Maanta Canada oo beenisay war uu faafiyey wasiirka arrimaha dibadda Kenya

Canada oo beenisay war uu faafiyey wasiirka arrimaha dibadda Kenya

0

Dawladda Canada ayaa beenisay sheegasho ku saabsaneyd in dadka Kenya ay shaqo u aadi karaan dalka Canada si dhib yar.

“Hadda, Canada waxay haysaa fursado ka badan dadka shaqeyn kara waxaanuna ku heshiinay in dadka Kenya ay buuxiyaan kaalintaas bannaan. Habraaca logu tala galay kuwa Canada aadaya aad ayuu u fududyahay balse dadaal ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Alfred Mutua wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya.

Balse dawladda Canada ayaa iska fogeysay in ay gashay heshiis noocaas ah. “Warar been abuur ah ayaa la isla dhex wareegayaa kuwaas oo sheegaya in ay jiraan barnaamijyo gar ah oo soo dhaweynaya dadka Kenyan ka ah ee usoo safra canada. Tani waa been, barnaamijyada la xusayna ma jiraan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda qaxootiga iyo muwaadinnimada ee canada.

Dadka Kenya oo xirfadley badan leh ayaa shaqooyin ka hela dalalka dibadda ah, mid ka mid ahna waa Canada balse Canada waxay inkirtay in ay jiraan barnaamiyo gaar ah oo loogu tala galay dadka reer Kenya.

Ad
Previous articleErdogan oo mucaradkiisa ku tilmaamay kuwo isku dhex yaacay
Next articleCiidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedeysanayaal waa weyn oo ka ganacsanayay Maan-dooriye (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here