Home Wararka Somaliya Puntland Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee Hubaysan oo Qabanaaya Shir Culus oo ka...

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee Hubaysan oo Qabanaaya Shir Culus oo ka Dhan ah Siciid Deni

0

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa isku diyaarinaya in bisha soo socota ee October ay shirweyne ku yeeshaan caasimada maamulka ee Garoowe.

Sida ay ogaatay Mudug24, shirweynahan ayaa waxaa lagu mideynayaa dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubeysan, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay dhinac saareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Siyaasiyiintan oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal hore iyo madaxweynayaashii hore ee Puntland, ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee caasimada maamulka ay soo gaaraan kahor bisha October ee soo socota.

Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayay siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan ku eedeynayaan in barnaamijka “doorashooyinka qof iyo cod” uga dan leeyahay damac muddo kororsi, wallo uu madaxweynaha hore u sheegay in doorashada xilligeeda lagu qabanayo.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya wararka sheegaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo muddo kordhin laba sano ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod, oo si weyn ugu ololeynayso kooxda Deni.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab iyo Macawislayda Hiiraan oo Dagaal Waqti Badan Qaatay Dhexmaray
Next articleEyga Biden oo markii labaad qaniinay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here