Home Wararka Maanta Rabshado ka Bilowday qeybo kamid ah dalka Kenya kadib natiijadii doorashada

Rabshado ka Bilowday qeybo kamid ah dalka Kenya kadib natiijadii doorashada

0

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa xalay ka dillaacay magaalada Kisumu ee ay ku xoogan yahay taageerayaasha musharaxa laga adkaaday ee doorashada Kenya Raila Odinga kadib markii natiijada lagu dhowaaqay.

Taageerayaal careysan ayaa soo buuxiyey waddooyinka ayaga oo dhagxaan tuuraya islamarkaana ku doodaya in doorashada lagu shubtay, ayada oo booliska ay ku fureen gaaska dadka ka ilmeysiiya si ay u kala eryaan.

Taageerayasha 77 jirkan ugu yeeray “baba” ayaa sheegay inay ka careysan yihiin in Odinga markii shanaad looga adkaaday doorashada madaxweynaha Kenya.

Odinga oo xilligan uu taageerayey madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta ayaan weli ka hadlin natiijada lagu dhowaaqay, hase yeeshee wuxuu mucaaradkiisa ku eedeeyey inay khiyaameen doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

Doorashadii 2007, si gaar ah, oo kormeerayaasha caalamiga ah ay sheegeen in khaladaad ay ka buuxeen, ayaa dhalisay rabshado qowmiyadeed oo ay ku dhinteen 1,100 qof.

“Ma aheyn mid xor iyo xalaal ah. Waa nala khiyaamay,” waxaa sidaas yiri Collins Odoyo oo ah 26 jir taageera Odinga.

Dukaano badan oo ku yaalla Kisumu ayaa xalay xilli hore la xiray ayada oo laga cabsi qabo in la bililiqeysto, waxaana lagu soo warramay ugu yaraan hal dukaan oo la dhacay.

“Dowladda waa inay na dhageysataa. Waa in doorashadan lagu celiyaa,” ayuu yiri Isaac Onyango oo ah 24 jir. “Nagama xadi kartaan,” ayuu ku qeyliyey.

In badan oo ka mid ah dadka Kisumu ayaa filayey in Odinga guuleysan doono, ayaga oo rumeysnaa inuu ugu dambeyn heli doono kursigii marar badan loo diiday.

Sidoo kale, xaafadda Kibera ee Nairobi oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Odinga ayaa laga dalbaday in doorashada lagu celiyo, ayada oo dibad-baxayaal ay dhagxaan tuurayeen.

“Codadkii Baba waa la xaday,” ayuu yiri mid ka mid ah dibad-baxayaasha.

“Joojiya inaad been u sheegtaan dadka Kenya, waan ognahay in Baba uu guuleystay,” ayuu yiri Eliud Omolo, oo ka mid ah taageerayaasha Odinga.

Natiijada rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa muujisay in Ruto uu helay 50.49 boqolkiiba codadkii la tiray oo ah 7,176,141 cod, halka Odinga uu ka helay 48.85 boqolkiiba oo ah 6,942,930 cod.

 

 

 

 

Ad
Previous articleBankiga Horumarinta Islaamka oo Ballanqaad culus u sameeyay Dowladda Soomaaliya(Sawiro)
Next articleJanaraal cabdalla Cabdalla oo Darajadiisii Dib loogu soo Celinaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here