Home Wararka Maanta Askari NISA Ka Tirsan Oo Qof Shacab Ahaa Ku Dilay Suuqa Bakaaraha

Askari NISA Ka Tirsan Oo Qof Shacab Ahaa Ku Dilay Suuqa Bakaaraha

0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada NISA gaar ahaan kuwa dharcadka uu dil ka geystay isgoyska bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Wararka ayaa intaasi kusoo daraya in askariga uu si bareer ah qeybaha sare ee jirka uga toogtay wiil dhalinyara ah oo shacab ahaa, iyadoo rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gacan ku dhiiglaha oo dilka u adeegsaday bistoolad uu watay uu goobta ka baxsaday, iyadoo meydka marxuumka ay markii danbe qaateen ehelkiisa oo ay geeyeen xarunta C.I.D.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in dilka marxuumka ay ka danbeysay kadib markii uu diiday inuu istaago, taasoo keentay inuu askarigan rasaas ku rido.

Ad
Previous articleCiidamada Soomaaliya oo helay Diyaarado ay ku Duqeeyaan Alshabaab iyo Hub Wawayn Xili Dagaal Culus bilaaban Rabo
Next articleGuddiga Doorashooyinka Soomaaliland oo ug Sii Daray Xalada Soomaaliland una Daneeyey Muuse Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here