Home Wararka Maanta Ciidamada Soomaaliya oo helay Diyaarado ay ku Duqeeyaan Alshabaab iyo Hub Wawayn...

Ciidamada Soomaaliya oo helay Diyaarado ay ku Duqeeyaan Alshabaab iyo Hub Wawayn Xili Dagaal Culus bilaaban Rabo

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa helay hub culus iyo diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo ay u adeegsan doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in hubkaasi ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u ah, hoobiyeyaal iyo hubka lidka diyaaradaha loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee ZU.

“Dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd sanad kahor ayaa laga khafiifiyay, sidaas ayay dowladda bilihii lasoo dhaafay hubabka ku jiray kuwa xaaraanta ahaa ama lagu adkeyn jiray inay soo hesho Soomaaliya ay saaxiibo soo siiyaan qaarna ay soo gadatay,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaa jira Helicopter hub saaran yahay loogu tala-galay inta badan in dhaawaca lagu daabulo oo ciidanka Soomaaliya ay maanta leeyihiin, hubka waaweyn ee hoobiyeyaasha ee 120-ka oo ku jiray hubka ka xaaraanta ah dowladda Soomaaliya.”

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay haystaan hub culus oo hore aan loogu ogoleyn Soomaaliya, sidaas darteedna ay ka tabar badan yihiin Shabaab-ka ay dagaalka kula jiraan.

“Waa jirta tabar ay hadda ciidamadeenu dheer yihiin xaga hubka ay ciidanka Shabaab ay wataan. Ciidanka Soomaaliya waxay ku hubeysan yihiin hub aysan hore u haysan.”

Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhammaadka sannadkan dalka Mareykanka lagu qaban doono shir dhaqaale loogu ururinayo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027-ka.

Ad
Previous articleTaliyaha Ciidamada Lugta oo Gaaray Galmudug iyo abaabul Xoogan oo bilowday
Next articleAskari NISA Ka Tirsan Oo Qof Shacab Ahaa Ku Dilay Suuqa Bakaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here