Home Wararka Somaliya Somaliland Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland oo ug Sii Daray Xalada Soomaaliland una Daneeyey Muuse...

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland oo ug Sii Daray Xalada Soomaaliland una Daneeyey Muuse Biixi

0

Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa goordhoweyd soo saaray jadwalka doorashooyinka muranka uu hareeyay ee muddooyinkii dambe isku hayeen xukuumadda Muuse Biixi iyo mucaaradka.

Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa uu shaaciyay in doorashada Xisbiyada Qaranka la qabanayo 28-ka December ee sanadkaan 2023-ka, “si loo helo saddex xisbi qaran oo ansaxsan lana siiyo shahaadada xisbino ee tobanka sano, KDQ uu muddadaas ka horaysa ku dhameystiro wixii farsamo ah.”

Sidoo kale waxa uu guddiga ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha la qaban doono 13-ka November 2024-ka, taasi oo ka dhigan in muddo kordhintii Golaha Guurtida u sameysay uu dhameysanayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Komishabka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu ka codsanayaa Golahaasha Sharci-dejinta inay dhameystiraan qabyooyibja sharci ee doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu ka dalbaday dhamaan daneeyayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka in ay kala shaqeeyaan fududeynta wixii farsamo ah ee la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka, si aysan uga dib dhicin jadwalka uu soo saaray.

“Guddiga markii uu garwaaqsaday hanaanka Xisbiyada baddani saldhig u yahay nidaamka siyaasadeed we Jamhuuriyadda Somaliland, tirada xisbiyada siyaasiga ahna aanay ka badnaan karin saddex xisbi sida ku xusan qodobka 9-aad faqradiisa 1-aad iyo 2-aad ee Dastuurka JSL,” ayuu guddiga ku sheegay sababaha kala horeysiinta labada doorasho ee la isku hayay.

Jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa uga soo diaraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada.

Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay.
Ad
Previous articleAskari NISA Ka Tirsan Oo Qof Shacab Ahaa Ku Dilay Suuqa Bakaaraha
Next articleGabar 13 jir ah oo Game ay Ciyaaraysay ku Bixisay $63,000 oo Waalidkeed oo Yaaban

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here