Home Wararka Somaliya Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur oo ka hadlay hadal heynta Sawir uu la...

Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur oo ka hadlay hadal heynta Sawir uu la galay Siyaasiyiin uu ku jiro Madaxweyne Qoor Qoor

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay islamarkaana sharaxaad ka bixiyay sawirka ay isla galeen Kulane Jiis.

Hoos ka akhriso:

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa xalay xilli danbe iskugu kaaya keenay Saadaq Cumar (John) iyo C/llaahi Aadan Kulane oo labadu xildhibaanno uga soo baxay Galmudug. Kulanka oo aan la sii qorshaynin ayuu madaxweyne QoorQoor codsaday in aan ka wada hadalno dhib guud iyo mid gaar ah oo horay innoo dhexyaallay. Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay.

Horay ayaan dad dhib noo gaystay u cafinay, sababtoo ah siyaaddeena ka aargudasho iyo kala adkaansho ka mid maaha, laakiin marna caddaalada ka tegi mayno.
Qofka wixii dhib loo gaysto waa cafin karaa, goorta uu doono, gaar ahaan marka loogu soo geed fariisto. Tani maaha mid ka hor joogaysanaysa ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qofkii dhibane kale ah inuu cadaalad helo ama raadsado.

Siyaasi walba waxaa maxkamad bulsho u ah sooyaalkiisa dadku wada hayaan, isagayna dan u tahay inuu ka garaabo, gafkiisana cafis uga raadsado qof kasta oo wax ka tabanaysa. Haddii dalku yeesho maxkamado macno leh waxay innoo xallin doonaan waxyaalo badan mustaqbalka waana mid ah yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa.

Ad
Previous articleDeg Deg:Xiisada Culus Ka taagan Dhuusamareeb iyo Guriceel iyo Ciiidamo Soo Buuxdhaafiyay Dhuusamareeb
Next articleMaxaa Sabab u ah in guul laga gaaro Cabsida laga Qabay Doorashooyinka Galmudug ee Barlamanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here