Home Wararka Maanta Alshabaab oo weerar Toos ah Ku Qaaday Saldhig Ku Yaala Gudaha Magaalada...

Alshabaab oo weerar Toos ah Ku Qaaday Saldhig Ku Yaala Gudaha Magaalada Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka aroortii hore lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo ay qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday qaraxyo nooca bambaanada ah oo marka hore lgu tuuray dhismaha saldhigga, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Mudug24 u sheegay in ciidamada ammaanka ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas ay fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaas lagu qaaday saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxayna horay u weerartay ciidamo ku sugnaa agagaarka KPP iyo kuwa kale oo lagu qaaday saldhigyo kale oo Boolis.

Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ayaa dhankooda wada howlgallo joogta ah oo looga hortagayo weerarada Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada.

Ad
Previous articleDrkii Dilaaga ahaa Kaptan Jeego iyo Biyamaalow oo Saakay La Toogtay
Next articleRuushka oo Burburiyay Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Maraykanka iyo Xiisad culu oo Ka dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here