Home Wararka Maanta Lafatagareen oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Shir Culus oo Halkaas ka Furmaaya(Sawiro)

Lafatagareen oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Shir Culus oo Halkaas ka Furmaaya(Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb ku soo dhaweeyay dhigiisa Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa caasimadda Dowladda Galmudug u gaaray si uu uga qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmi doona Dhuusamareeb dhowaan.

Sidoo kale, madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusamareeb si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Waxaa sidoo kale muddo labo todobaad ka badan ku sugan magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo shirkaas u gudoomin doona, isagoo halkaas u jooga la socodka iyo abaabulka howlgalka Al-shabaab looga saarayo degaanada ay ka joogaan Galmudug.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Ad
Previous articleKu Dhawaad 30 kamid ah Alshabaab oo Goordhow Duqayn lagu Dilay
Next articleSSC oo Gacanta ku Dhigtay Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Gobalka Sool(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here