Home Wararka Maanta SSC oo Gacanta ku Dhigtay Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Gobalka Sool(Sawiro)

SSC oo Gacanta ku Dhigtay Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Gobalka Sool(Sawiro)

0

Xoogaga SSC ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool Faysal Cabdi Bootaan.

Taliyaha ayaa laga soo qabtay inta u dhexeysa degaanada Oog iyo Guumeys ee gobolka Sool, xili uu isku dayey inuu u baxsado dhinaca Magaalada Burco sida ay wararku sheegayaan.

Ciidan ka tirsan SSC oo ka War helay goobta uu joogo taliyaha ayaa la sheegay iney weerareen ka dibna nolol ku soo qabteen.

Faysal Cabdi Bootaan ayaa ahaa taliyihii ciidanka Somaliland ee joogay taliska Goojacadde oo saaka ay dagaal ku qabsadeen xoogaga SSC.

Saldhiga Goojacadde ayaa ahaa fariisinkii ugu weynaa ciidamada Somaliland ee laga abaabulayey dagaalada iyo duqeymaha ka socday Laascaanood bilihii la soo dhaafay, in la qabsadana waxay dharbaaxo xanuun badan ku tahay Maamulka Muuse Biixi oo ilaa hadda aan ka hadlin waxa saaka dhacay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Ad
Previous articleLafatagareen oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Shir Culus oo Halkaas ka Furmaaya(Sawiro)
Next articleCiidmada Dowlada oo Si rasmi ah ula wareegay Degmada Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here