Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Wali Khilaaf ka dhex jiro Maamulka Galmudug..

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hadalkaan waxa uu sheegay xilli shalay uu dib ugu laabtay Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay heshiis ku kala saxiixdeen Magalada Muqdisho 13kii Bishii hore laakin heshiiskaas kadib uu qorshuhu ahaa in ay soo wada aadaan Dhuusamareeb balse aysan suurtagelin.

Waxa uu sheegay in weli uu jiro khilaafkaas oo aan la dhameyn balse uu rajeynayo in wixii mad madow ah ee jira xal laga gaari doono.

Madaxweyne Xaaf ayaa ka hadlay sida ay ka yeelanayaan hadii arintaasi wali sii socoto oo heshiis uu san dhicin,

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Xaaf,

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*