Home wararka Dalka Maraykanka oo Qirtay in Askar Looga Dilay soomaaliya.

Maraykanka oo Qirtay in Askar Looga Dilay soomaaliya.

0

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee Afrikom ayaa goor dhaw si rasmi ah u xaqiijiyay in hal askari looga dilay afar kalena looga dhaawacay dagaal maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

War ka soo baxay taliska Afrikom ayaa lagu sheegay in ciidanka Mareykanka,kuwa dowladda iyo ciidanka Kenya ay waden howlgal markii uu weerarka dhacayay.

Afrikom waxay sido kale xaqiijiyen dhaawaca askari ka tirsanaa ciidanka Soomaalida.

Dhinaca kale,kooxda Al Shabab ayaa xaqiijisay in weerarkasi ay ku dilen hal askari oo Ameerikan ah,afar kalena ay ku dhaawacen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here