Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Musharixiin U ka Mid yahay Madaxweyne Hore oo Qaatay Shahaadada HOP058(Sawiro)

Musharixiin U ka Mid yahay Madaxweyne Hore oo Qaatay Shahaadada HOP058(Sawiro)

0

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shahaadada musharaxnimo kursiga tirsigiisu yahay HOP058 siiyay musharaxiin dhoor ah oo isku diiwaangeliyay in kursigaasi u tartamaan.

Musharaxiinta shahaadada qaatay ee diiwaangeliyeen guddiga Doorashooyinka Hirshabelle waxaa ku jira Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo u tartamaya hanashada kursiga HOP058.

Kursigan oo doorashadiisa la furay kuna tartamayaan musharaxiin kale oo saameyn leh ayaa xubnaha isku diiwaangeliyay waxaa kamid ah taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloole iyo sidoo kale siyaasiga Abdulkadir Hussein Olow.

Doorashada kursigan oo ah mid adag ayaa waxaa sidoo kale isku diiwaangeliyay musharaxiin dhallinyaro ah oo damac uga jiro in ay beeshooda matalaan, waxaana musharaxiintaasi ku jira Mohamud Afdhub Makaran iyo Yoonis Mohamed Noor.

Kursigan ayaa loo saadaalinayaa in uu ku guuleesto taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, waxaa sidoo kale xubnaha kursigan loo saadaalinyao kuna guuleesan kara ku jira Abdulkadir Hussein Olow iyo Cali Cosoble.

Xildhibaankii horey ugu fadhiyay kursigan Nuur Iidow Beyle loo tartamayo ayaa xalay ku dhawaaqay in uu doorashada isaga haray kana tanaasulay, waxa uuna xildhibaanka ballanqaaday in uu la shaqeyn doono cid kasta oo kursigaasi kusoo baxda.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa horey u shaaciyay in doorashada kursigan dhaceyso 26-ka bishan oo maanta ku beegan, lamana oga in caawa doorashadan qabsoomi doonto ama in ay beri u dib dhici doonto.

Ad
Previous articleDeg deg: Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Amar Adag Siiyay Taliyayaasha Amniga Xili Doorasho lagu Mashquulay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here