Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Ceelbuur iyo Madaxdii Alshabaab oo isaga Baxay

Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Ceelbuur iyo Madaxdii Alshabaab oo isaga Baxay

0

Wararka naga soo gaaraaya Magaalada Ceelbuur ayaa Sheegaaya in Madaxdii Alshabaab ay isaga Baxeen ayaga iyo Xaasaskoodii Dad Kusugan Ceelbuur oo aan la Hadalnay ayaa noo xaqiijiyay inay Madaxdii ugu saraysay Alshabaab ee ku sugnaa Demada Ceelbuur ay Katageen iyagoo Horay usii Kaxaystay Xaasaskoodii iyo Caruurtoodii.

Sidoo kale waxay noo sheegeen in Degmada Qadiimiga ah ee ceelbuur Haatan Kusuganyihiin Askar katirsan Alshabaab iyo Dadka deegaanka oo ku qasbaayaan inay dagalamaan.

Saraakiisha Amniga oo kusugan Galmudug ayaa Xaqiijiyay in Haatan kaliya Laga Shiraayo Sidii loo Diyaarin Lahaa Ciidamadii Sugi lahaa Amniga Magaladaas Kadib Markii Alshabaab laga Saaro.

Madaama Dagaalkaan ay ka qayb Qaadan Doonaan Diyaarado Dagaal iyo Ciidamo Farabadan uma Badna in Alshabaab ku Dagaalanto DegmooyinkaCeelbuur iyo Galhareeri oo Haatan ay ku suganyihiin Waxayna Ubadantahay inay isaga Baxaan Markii Ciidaamda Dowladu Ku Dhawaadaan.

madaxweyne Xasan Shiikh oo ku sugan Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa Halkaas Kawada Shirar uu Beelaha Kala Duwan ee daga Galmudug uu ugu Codsanaayo inay Dagaalka Ka qayb qaataaan.

alshabaab oo mudo kabadan 15 sano ayaa la filayaa ina dhawaan gacantoooda laga saaro Degmooyinka Ceelbuur Galhareeri Taas oo Haatan Laga Dareemaayo diyaargarowgii ay uga bixi lahaayeen.

Dowlada ayaa Kasaaritaanka Galmudug ee Alshabaab usoo jeesan Doona Gobalka Hiraan oo wali Alshabaab Qaybo Muhiim ah Ka Joogaan.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Qarax Dhimasho Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Muqdisho
Next articleWararkii ugu dambeeyey dagaalka gobolka Amxaara ee Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here