Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Qarax Dhimasho Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Qarax Dhimasho Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga.

Baabuurka la qarxiyay oo ahaa Cabdi Bile ayaa ku socdaalayay waddada Daarusalaam, waxaana qaraxa uu ku qabsaday halka loo yaqaano suuqa jaayga, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Gabi ahaan gaariga ayaa burburay, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray ciidamadii saarnaa Cabdi Bilaha.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan illaa 5 askari ayaa goobta ku dhintay, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada saarnaa baabuurka qaraxa lagula beegsaday halkaasi.

Waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dad kale oo shacab ah oo ka agdhowaa goobta, ayada oo dhimashada rayidka ay iyadun tahay illaa saddex qof.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo ku baxay dhacdadaasi, balse wax war ah kama soo saarin qaraxaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay weerarkan gaadmada ah ee lagu laayay ciidamada, kana dhacay waddada dheere ee aadan deegaanka Daarusalaam

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo weerarada sii kordhaya ee ay haatan kooxda Al-Shabaab ka geysaneyso Muqdisho, xilli ay dhankooda howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda.

Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo in wajigiisa labaad uu ka billowdo gobollada dalka.

Ad
Previous articleXamsa Cabdi Barre oo Markale Balan qaaday inuu qiimaha waalida ah ee xajka lagu aado Hoos u dhigaayo
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Ceelbuur iyo Madaxdii Alshabaab oo isaga Baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here