Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Kulankii Baarlamaanka Ee loogu Yeeray Wasiirada Gaadiidka iyo...

War Deg Deg ah: Kulankii Baarlamaanka Ee loogu Yeeray Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista oo La Baajiyay Yaa Soo Faragaliyay?

0

Waxaa la baajiyay Kulankii Golaha Shacabka ee loo balansanaa in berri oo Axad ah ay hor-timaado Golaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Fardowso Maxamed Igaal, si su’aalo looga weydiiyo qalalaasihii maalmo ka hor ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee la xiriiray lacago lagu soo rogay rakaabka raaca duulimaadyada gudaha.

Qoraal loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay inuu kulanka berri uu baaqday, sabab aan la sheegin, iyadoo wararka qaar sheegayaan in dadaalo si wadajir ah u galeen Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu baajiyay kulanka berri, si looga hortago su’aal weydiinta Wasiirada.

Sidoo kale warar soo baxaya sheegayaan in wali ay taagan tahay arrinta shirkadda HornLink ee qandaraaska loo siiyay inay lacagaha ka qaado xogta rakaabka diyaaradaha Local-ka, waxaana jirta cabasho weli arrintan ka taagan oo la doonayo in la socodsiiyo.

Ad
Previous articleXiliga Ay Dhalanayso Bisha Ramadaan oo La Shaaciyay
Next articleWadahadalo lagu Dhexdhexaadinaayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo Fashil Kusoo Dhamaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here