Home Wararka Maanta Wadahadalo lagu Dhexdhexaadinaayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo Fashil Kusoo Dhamaaday

Wadahadalo lagu Dhexdhexaadinaayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo Fashil Kusoo Dhamaaday

0

Dadaalo diblomaasiyadeed ee ay wadeen Kenya iyo Jabuuti oo ahaa in lagu xaliyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii MOU-ga ayaa soo dhamaaday, iyadoo aan natiijo laga gaarin.

Wada hadalo labadii maalmood ka socday Nairobi oo ay Diblomaasiyiinta Kenyanka ugu kala dab-qaadayeen Wakiilo ka socday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la sheegayaa in aanu wada hadal toos ah dhicin, waxaana wakiilada ka socday dhanka Soomaaliya ay dalbadeen in marka hore Itoobiya ka laabato MOU-ga, sidaas uu ku dhaco wada hadalka fool-ka-foolka ah.

Ilo ku dhow dhow kulankaas ayaa sheegaya in Wakiiladii ka socday Itoobiya ay dalbadeen inay u baahan yihiin waqti ay arrintaas wadatashi uga soo yeeshaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa illaa hadda ku adkeysaneysa in aanay Itoobiya wax wada hadal ah la fureyn illaa ay Itoobiya kaga laabaneyso heshiiskii Is-afgaradka muranka dhaliyay, waxaana muuqata in Itoobiya ka laabaneyso heshiiskaas, marka loo eego go’doonka diblomaasiyadeed ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu kala kulmay arrintaas oo dalal badan oo saaxibo la ah Soomaaliya ka soo horjeesteen.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Kulankii Baarlamaanka Ee loogu Yeeray Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista oo La Baajiyay Yaa Soo Faragaliyay?
Next articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Dowlada Oo Soo Faarujiyay Magaalada Camaara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here