Home Wararka Maanta Cali Ibraahim Cabdi oo ugu Danbayn usoo Gacan Galay Ciidanka Xooga Dalka...

Cali Ibraahim Cabdi oo ugu Danbayn usoo Gacan Galay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed

0

Cali Ibraahim Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, una qaabilsanaa qeybta ay ugu yeeraan jabhadaha ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad.

Ninkan ayaa waxa uu ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo kooxda Al-Shabaab ah, kuwaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Gedo, oo ka kala tirsan dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Cali ayaa sidoo kale wuxuu ciidanka dowladda u sheegay in dhibaatooyin badan uu la kulmay sanadihii uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Waxa uu sheegay inuu u dulqaadan waayay sida arxan darrada ah ee shacabka ay ula dhaqmaan kooxda uu kasoo goostay ee Al-Shabaab.

Cali Ibraahim Cabdi ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay saaxiibadiis kale ee weli ku harsan kooxda Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, xilli dalka uu ka socdo guluf ka dhanka ah kooxda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya cafis ay dowladda u fidisay xubnaha kooxda.

Xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee usoo gala dowladda ayaa inta badan waxay sheegaan in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku xooggan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Ad
Previous articleRuushka oo fuliyey qodobo ka mid ah heshiiskii kooxda Wagner
Next articleKornayl Saneey Cabdulle oo Ciidamada ATMIS kala Wareegay Saldhigyo Waawayn oo ay kulahayeen Shabeelada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here