Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Kornayl Saneey Cabdulle oo Ciidamada ATMIS kala Wareegay Saldhigyo Waawayn oo ay...

Kornayl Saneey Cabdulle oo Ciidamada ATMIS kala Wareegay Saldhigyo Waawayn oo ay kulahayeen Shabeelada Dhexe

0

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa bilaabay in ay ka baxaan qaar kamid ah xeryihii ay ku sugnaayeen, waxa ayna ciidankan saldhigyada ay ka baxeen ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka  Kornayl Saneey Cabdulle ayaa ciidanka ATMIS kala wareegay difaacyadii ay ka daganaayeen magaalooyinka Miirtaqwo, Xaaji Cali, iyo Cadale oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada ATMIS ayaana banneeyay saldhigyadii ay kaga sugnaayeen magaalooyinkan dhaca gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna fariisimihii ay ka baxeen ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka oo saldhigyo ka dhigan doona.

Ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa bilaabaya in ay si tartiib tartiib ah saldhigyada ay joogaan ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka, ciidankan ayaana qorsheenaya in si buuxda ammaanka dalka ugu wareejiyay ciidanka xoogga dalka.

Ad
Previous articleCali Ibraahim Cabdi oo ugu Danbayn usoo Gacan Galay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed
Next articleMuxuu Putin ka yiri dullaankii ay Moscow ku qaadeen Wagner ee uu khatarta Ku Galay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here