Home puntland Heshiiska Gaalkacyo Dhawaan ku Dhexmaray Labo Beelood iyo Waxyaabaha uu soo Kordhiyay...

Heshiiska Gaalkacyo Dhawaan ku Dhexmaray Labo Beelood iyo Waxyaabaha uu soo Kordhiyay ….Warbixin….

11

Maamulka Galmudug oo kamid ah Maamulada Faca Weyn ee ka Jira Dhulka Somalida Dagto Ayaa Sanadiihii u Danbeeyay Waxaa Ragaadiyay Colaade Sokeeye oo u Dhaxeeya Beelaha Walaalaha ee Daga Deegaanada Galmudug Arintaasi Waxay keentay in Madaxda Qaar ay ku Dhiiran Waayaan Tagida Deeganada Qaar…..

 

 

inkastoo uu Qilaafka ahaa Mid Hoose isla markana Saameyn ku Yeelan Maamulka Sare Hadana Waxaa Xaalada Beelaha Qaar uu Xoogeestay Doorashadii u Danbeysay ee Galmudug ka Dhacday Markaasi oo la Doortay Madaxweynaha Galmudug ee Xiligan Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid….

 

 

Doorasho lagu Qabtay Hotel Empasy Waxaa ugu Danbeyn Ku Guuleestay jeneral Cabdiqeybdiid Maalmo kadib Ayuuna Safar Dhulka ah Waxaa uu ku Baxshay Deegaanada Galmudug Xiligaasi uusan Booqan Xaruunta Gobolka Kulmiye ee Galinsoor….

 

 

Madaxweynaha Ayaa Markaasi La Kulmay Awooda Mucaaradka oo lagu Daray Madaxweynaha Xiligaasi ka Dagay Jagada ee Caalin oo Xilkiisa ku Wareejiyay Maxamuud Cabdi Cilmi Tima kala Jeex…

 

 

inkastoo Tima kala Jeex uusan kasoo Jeedin Midkood Labada Beelood ee Dhawaan ku Heshiiyay Gaalkacyo Hadana Waxa uu Garab ka Helayay Beel kamid ah oo Xiligaasi kasoo Horjeeday Madaxweynaha Arintaasi Waxay keentay Shirir kala Gooni ah iyo Madax kala Gooni ah….

 

 

Waxyaabaha uu Sababay Khilaafka labada Beelood..

 

 

khilaafka Labada Beelood ayaa Sababay in Guud ahaan Ay Xiranto Wadada isku Xirta Gaalkacyo iyo Galinsoor iyadoo Ay ku Suganyihiin maleeshiyo ka Amar Qaata Beelaha Qaar oo Halkaasi Dhigay Jidgooyo lagu Tilmaamay Mid Dowladeed Waxana Marar Badan ku Baxay Ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada si ay Halkaasi uga Qaadaan Jidgooyada Taala,,,

 

 

Ardayda iyo Bulshada Qeebaheeda kala Duwan Ayaa Xiligaasi u suura Gashay in ay Qaadaan Qaar kamid ah Hase Yeeshee Waxaa ku Adkaatay in ay Ku Guuleestaan Mida ugu Weyn oo Marka ay Gaareen loogu soo Jawaabay Xabado Dadka Qaarna uu Dhaawac soo Gaaray…

 

 

isla Mucaaradka Waxaa u suura Gashay Hirgalinta idaacad ku Hadasha Afka Maamulka oo laga Dhisay Gaalkacyo iyadoona ay ka Bixi jireen Warar ku aadan Madaxweynaha Tima kala Jeex iyo Safaradiisa Wasiiro Maamulkiisa oo ku Sugan Gaalkacyo oo laga Wareesto Beelaha ugu Weyn ee Xiligaasi Horkacaya Mucaaradka Waxaa kamid ah Beesha Reer Jalaf Beesha Reer Ayaanle iyo Beesha Cabdale inkastoo labada beel ee Danbe Xurguftooda ay Aheyd mid ku Kooban Shaqsiyaad oo kaliya….

 

 

Heshiiska Labada Beel Kadib Maxaa Dhacay…

 

 

iyadoo laga Duulayo Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe Waxaa Qasab Noqotay cid Walbo in ay Marka Hore isasoo Xaliso si loo Dhiso Maamul Guud uu Yeesho Gobolada Dhexe Arintasi Waxay Keentay in Marka Hore Shir Weyn laga Furo Bandiiradley kaasi oo u Dhaxeeya Beesha Reer Jalaf…

jalaf

Heshiiskaasi Kadib Waxaa Dhawaan Gaalkacyo lagu Qabtay Heshiiskii loogu Magacdaray Heshiiska Taariikhiga oo Dhexmaray Beesha Reer Jalaf iyo Beesha Reer Hilowle oo ah Dad Walaalo ah Waxana Arintaasi Laga Dhaxlay….

jalaf iyo Hilowle

Waxyaabaha laga Dhaxlay Heshiiska labada Beelood..

Waxaa Marqura Furmatay Wadada Xiriirisa Gaalkacyo ilaa Cadaado Maaxweynaha Galmudug ayaa lagu Soo Dhaweeyay Bundiiradley iyo Galinsoor isagoo kasoo Dagay Cadaado Safar Dhulka Ah ku soo Maray Deegaanadaasi Bulshada Halaasi ku Sugan Ayuu kula Kaftay Erayo Dhowr Ah.

 

 

Riix Halkan oo Dhageyso Qudbadii Galinsoor

 

 

Maalmo kadib Wasirada Galmudug Ayaa Booqday Deegaanadaas si ay u soo Fiirshaan Xaalada Guud ee Dadka Deegaanka iyadoo si Nabad ah ku Maray Dhulka u Dhaxeeya Gaalkacyo ilaa Galinsoor oo Markii hore Xaalad Adag ka Taagneyd iyadoo Sidoo kale idaacada ku Hadasha Afka Mucaaradka ay Noqondoonta Warbaahinta Dowlada Galmudug …

 

 

Heshiiskaasi iyo Arimaha laga Dhaxlay Ayaa ah mid Aysan Bahda Mudug24 ku soo Koobi karin Qoraal kaliya Lakin Waxaan idin Balanqadeena Waxyaabaha kale ee ku soo Kordha in aan idin soo Gudbino Sida Xafladaha lagu Taageerayo iyo Arimaha kale Fadlan Hadii aad Heyso Taariikh Gooni Ah Ciwaanka Hoose Noogu soo Hagaaji Si bulshada Aad ula Wadaagto

 

 

Caydaruus Axmad Sahal  ( Firginle )

Mudug24  Ankara

Mahadcelin Wariyasha Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

11 COMMENTS

  1. xaqiiq waa warbixin runta ka turjumeysa dadka maa jaahiliin ayey ahaayeen mesha ka soo jeeda maxay waxaan isaga qaban waayeen markii sidan leeskaga soo horjeeda walahi waa layaabay markan akristay

  2. wiilka puntland midka isku sheegaayo anaga isma gumeysano sida puntland walal ee waan is dilnaa mahan mesha cid gooni ah xilka hesato dadka kalana aad wax walbo u diideen war uma wax u ogolaada sadax qabiil unbaa tihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here