Home Wararka Maanta Xildhibaan George Santos oo Xabsiga la Dhigay iyo dembiyo culus oo loo...

Xildhibaan George Santos oo Xabsiga la Dhigay iyo dembiyo culus oo loo heysto

0

George Santos oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la xiray Arbacada maanta ah, waxaana lagu eedeeyay musuqmaasuq, gacan-togaaleysi iyo xatooyo hanti dadweyne.

Wuxuu hore u diiday baaqyo ahaa inuu is-casilo maadaama uu ka been sheegay shaqadiisa.

Santos oo 34 jir ah ayaa hore loogu soo oogtay inuu khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda, isaga oo qariyay asalka lacagta uu ku galay olohiisa doorashada iyo mid uu isticmaalay xilli uu ahaa shaqa la’aan.

“Isku soo wada duub, eedeymaha dacwadda lagu soo oogay waxay Santos ku eedeeyeen inay ku tiirsan yahay daacad-darro soo noqnoqotay iyo khiyaanooyin” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Breon Peace, oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Bariga New York.

VOA/REUTERS

Ad
Previous articleNin jabsaday Bogag badan ay ku jiraan kuwa Joe Biden iyo Obama oo xukun adag lagu riday
Next articleDowlada Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay Madasha Sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here