Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay Madasha Sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Sawirro)

Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay Madasha Sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay daah-furka madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Somalia Joinr Fond)

Madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya ayaa loogu tala-galay in lagu taageero horumarka iyo dawlad-dhiska, sidoo kale sanduuqan ayaa xoogga saari doona taageerada siyaasad loo dhan yahay, hirgelinta sharciga, xuquuqal insaanka, wax ka qabashada isbedelka cimilada, horumarka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran iyo ka guud ee Qaranka ay ku salaysan yihiin sidii loo heli lahaa Soomaaliya isku filan oo isku tashata si saaxiibbada beesha caalamku ay ugu gurmadaan meelaha kale ee mudan taageerada.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ugu mahad celiyay saaxiibbada beesha caalamka ee qeybta ka ah sanduuqan garab istaaggooda iyo taageerada ay la barbar joogaan shacabka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleXildhibaan George Santos oo Xabsiga la Dhigay iyo dembiyo culus oo loo heysto
Next articleAlshabaab oo Markii ugu Horaysay Weerer ku Qaaday Degmada Xarardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here