Home Wararka Maanta Taliska NISA oo shaaciyay in ay dhinteen Rag Alshabaab ahaa oo qaabilsanaa...

Taliska NISA oo shaaciyay in ay dhinteen Rag Alshabaab ahaa oo qaabilsanaa G/Banaadir

0

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa Baahiyay in ay dhinteen laba sarkaal oo shabaab ahaa.

Hoos ka akhriso Qoraalka Dowladda

Taliska Sirdoonka iyo Nabad Sugida Gobalka Banaadir ee NISA ayaa Helay xog ah in ay dhinteen labo Horjooge oo u qaabilsanaa Al-Shabaab  Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada iyo Miinooyinka.

Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq)  oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose iyo Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir, kana hooseeyey Daariq iyo 6 dhagar-qabe oo kale oo Miinooyin ka soo qaaday deegaanka Tooratooroow ayay 28-03-2021 kula qaraxday  deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale 03-04-2021 Daariq, waxaa lagu dilay dagaalkii Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeella Hoose ay Ciidanka xooga dalka  jab xoogan ku gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab.

Labadan dhagarqabe ayaa Argagixisada Al-shabaab muhiim ugu ahaa maleegida dhagarta Shacabka, maadaama aad ay ugu xeel dheeraayeen dhanka Qaraxyada Miinooyinka, kuwaasi oo isku dayey inay awooda saaraan sidii ay Qaraxyo kala duwan uga fulin lahaayeen Gobolka Banaadir.

Ha’yaddaha Amniga Gobalka Banaadir ayaa uga  mahad celinayay geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka  oo helay xogta Al-shabaab ee ku aadan Dabargoynta Ummadda Soomaaliyeed ugana hor tagay si geesinnimo leh isku deygooda, iyagoona xaqiijiyey awooda iyo kartida ay u leeyihiin badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleSomaliya iyo shiinaha Maxay Maanta ka wada hadleen ?
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Gaaray Jiida Hore ee Difaaca Ciidamada, waxuuna La kulmay Saraakiisha Ciidamada (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here