Home Wararka Somaliya Somaliya iyo shiinaha Maxay Maanta ka wada hadleen ?

Somaliya iyo shiinaha Maxay Maanta ka wada hadleen ?

0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka Xukuumadda xilgarsiinta Marwo Khadaiijo Maxamed Diiriye ayaa Maanta waxaa ay kulan la qadatay Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian..

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhinaca gargaarka iyo xiriirka s jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka Xukuumadda xilgarsiinta Marwo Khadaiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegta in safiirka ay kala hadashay sidii howlo gargaar badi’aadanimo ah ay dowladda Shiinaha uga fulin laheyd Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian ayaa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan dadaalka ku bixinayaan Soomaaliya, isla markaana ay kordhin doonan taageerada ay siiyaan.

Ugu damben Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka Xukuumadda xilgarsiinta Marwo Khadaiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in au safiirka uga mahad celisaydhowrista madax-banaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay.

Dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha taageera Soomaaliya, iyada oo gudaha dalkaas ay ku sugan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxka barta dalkaas.

Ad
Previous articleJanankii Jeelka ka baxsaday ee dib ula Midoobey Dowladda Maxaa Horay Loogu Eedeeyay (Akhriso)
Next articleTaliska NISA oo shaaciyay in ay dhinteen Rag Alshabaab ahaa oo qaabilsanaa G/Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here