Home Wararka Maanta Doorashada Beelaha Banaadiriga oo la Fasaxay iyo gudiga Doorashooyinka oo ka Hadlay

Doorashada Beelaha Banaadiriga oo la Fasaxay iyo gudiga Doorashooyinka oo ka Hadlay

0

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawwaan guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo kuwa Banaadiriga ku amray in ay hakiyaan doorashada Xildhibaanada Banaadiriga, kaddib cabasho loo gudbiyay.

Rooble ayaana cabashada iyo buuqa ka dhashay doorashada Xildhibaanada Banaadiriga u saaray guddiyo si gaar ah u baara cabashada jirta , kuwaa oo isugu jiray guddiyada doorashada iyo xubno katirsan xafiiskiisa.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal ay xalay soo saareen ku shaaciyay in la xaliyay buuqii ka dhashay doorashada kuraasta beelaha Banaadiriga, waxa ayna guddiga sheegeen in la fasaxay doorashada kuraasta beelaha Banaadiriga.

”Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu halkan ku shaacinayaa in Guddigii uu Ra’iisul Wasaaruhu u xil-saaray xallinta khilaafkii ka dhashay kuraasta Banaadirigu ay xalliyeen buuqii ka dhashay kuraastaas. Sidaas awgeed waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha doorashada ku wargelinaynaa in la fasaxay qabashada doorashadooda, diiwaangelintuna ay billaabanayso.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada.

Qoraalkan kasoo baxay guddiga doorashada ee lagu fasaxay doorashada kuraasta beelaha Banaadiriga ayaa imaanaya xilli wali ay cabasho badan qabaan beelaha Banaadiriga qaarkood ,kuwaa oo sheegay in xittaa aysan la kulmin guddiyada la magacaabay

Ad
Previous articleDeg Deg: Ruushka oo ku Dhawaaqay inuu Kaabayaasha Hawada Ukrain la Wareegay
Next articleJadwalka Shan kursi oo Beri la Dooranaayo Oo Maantay La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here