Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo Magacaabay wasiiro cusub iyo masuuliyiin kale(Akhriso)

Axmed Madoobe oo Magacaabay wasiiro cusub iyo masuuliyiin kale(Akhriso)

0

Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa u Magacaabay Maxamed Ibrahim Ogle Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaaleynta & Dib u heshiisiinta.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu Maxamed Axmed Cusmaan u Magacaabay Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Dowlada Jubaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa agaasime cusub u magacaabay madaxtooyada Jubbaland sida ku xusan wareegtada hoos ku qoran:-

Xeer Madaxweyne Lr: XM/DGJS/020/2023 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowlada Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad, Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowalada Jubaland u magacaabay Khaliif Yusuf Maxamed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Jubaland.

Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

Ad
Previous articleKhilaaf ka Dhex Jira Dowlada Sweden iyo Xisbiga SD ee ku aadan Heshiisyada hore u jiray
Next articleSoomaaliya oo 33 Sano Kadib Lasoo Wareegtay furaha Hay’ada Duulimaadyada Caalamiga (IATA) ee Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here