Home Wararka Maanta Khilaaf ka Dhex Jira Dowlada Sweden iyo Xisbiga SD ee ku aadan...

Khilaaf ka Dhex Jira Dowlada Sweden iyo Xisbiga SD ee ku aadan Heshiisyada hore u jiray

0

Dowladda iyo xisbiyada SD ayaa isku dhac ku dhexmaraya arrin ku saabsan magacaabista madaxda cusub ee dowladda, sida ay shaacisay Expressen.

masuuliyiinta sare ee labada dhinac ayaa isku dayay inay ku heshiiyaan wada shaqayn dhex marta shir ay ku yeesheen xafiiska golaha wasiirada.

Khilaafka ayaa salka ku haya in xisbiga SD uu aaminsan yahay inuu xaq u leeyahay inuu saameyn ku yeesho marka ay timaado magacaabista madaxda cusub. Wax uu Wasiirka Caddaaladda, Jonar Stromer, si adag u diiday.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii todobaadkii hore ay dowladdu ku dhawaaqday in agaasimayaasha guud ee Hay’adda Socdaalkaaan loo kordhin doonin xilalkooda.

Hadda xisbiga SD, oo sidoo kale dalbaday in uu iscasilo taliyaha bilayska qaranka isagoo raba inuu ku lug yeesho go’anadan.

SD, arrintani waa muhim, tanina sidoo kale waa laga wada xaajooday markii la qorayay heshiiska Tidö. Balse inkastoo la isku afgartay qodobbada heshiiska, haddana dowladda iyo SD ayaa hadda fasiraado kala duwan ka bixinaya macnaha erayada heshiiskaas ku jira, sida uu qabo Thomas Nordenskiöld oo ka tirsan Politichromet

Ad
Previous articleCabsi Xoogan oo Ka Taagan Magaalada Muqdisho Kadib Weerarkii Shalay ee Alshabaab ku Qaadeen Guri ku Yaal Degmada C.casiis
Next articleAxmed Madoobe oo Magacaabay wasiiro cusub iyo masuuliyiin kale(Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here