Home Wararka Maanta Askartii Dilay Taliye Mustaf oo Dhuusamareeb Maxkamad lagu Soo Taagay

Askartii Dilay Taliye Mustaf oo Dhuusamareeb Maxkamad lagu Soo Taagay

0

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta illaa 9 askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan kasoo baxsaday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga Camaara iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo ay haatan dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Askartan oo dhammaantood kasoo muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale loo haystaa inay xilliga ay baxsanayeen ay dileen Laba Xidigle Mustaf Nuur Suudi oo ku magac dheeraa Dhoobshaac, isla markaana ahaa taliyaha guutada Abuu-Dujaana ee Ciidamada Xoogga dalka.

Xeer ilaalinta ayaa 9 askari kusoo eedeysay baxsasho goobta dagaalka iyo inay lasoo tageen hubkii lagu difaacayay shacabka deegaanka, halka 2 kamid ah askartan si gaar ah loogu aoo eedeeyay inay dileen taliyaha kadib markii ay rasaas ku fureen, isaga oo isku dayay inuu ku celiyo furinta ay soo banneeyeen.

Inta ay socotay maxkamadda ayaa waxaa la geeyay marqaatiyeyaal goobjoog u ahaa dhacdadaas, kuwaas oo lagu wareystay goobta, kana warbixin falkaasi dilka ah.

Gaashaanle Dhexe Cabdullahi AbuukarXasan oo guddoomiyay fadhigan ayaa dhankiisa sheegay in maxkamadda ciidamada ay dib ka shaacin doono go’aanka kama dambeysta ah, ama xukunka 9 askari ee maanta la horgeeyay.

Allaha u naxariistee Taliye Mustaf ayaa ahaa Laba Xidigle ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircooneed ciidankii lagu soo tababaray Eritrea, waxaana loo wareejiyey guutada Abuu-dujaana oo ah ciidan 3 bilood kaliya lagu soo tababaray dalka Uganda.

Meydka sarkaalkaas ayaa hadda lageeyey magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana lagu guul-dareystay in la qabto askartii ka soo baxsatay difaaca ee dishay Taliyahooda.
Taliye Mustaf Nuur Suudi, oo ku magac dheeraa Mustaf Dhoobshaac, wuxuu sidoo kale ka mid ahaa saraakiishii deegaanada badan ka xoreysay argagixisada, waxaana laga jeclaa gudaha ciidanka, balse todobadii bishan ayuu ku baxay gacanta ciidankii uu taliyaha u ahaa.

Ciidanka Abuu-Dujaana, waa hal guuto oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda, waxay qaateen koorso yar oo 3 bilood ah, waxaana lagu tilmaamaa ciidan aad u fowdo badan.

Dhowr jeer ayey dileen saraakiishooda, kana soo baxeen furimaha dagaalka, iyagoo gadood muujinaya, sarkaal kale oo taliyaha ay caawa dileen ku heyb ahaa ayay hadda ka hor ku dileen deegaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Sh/Dhexe.

Ad
Previous articleDekada Muqdisho oo Maantay Lagu Qabtay 7 Konteerar oo lagu soo Qariyay….
Next articleRaysulwasaare Xamse oo laalay Heshiis Dhawaan lalagalay Shirkad Maraykan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here