Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si adag uga horyimid heshiis dhawaan lala galay shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Liberty Petroleum.
“Waa in aad deg deg u hubiso dhamaan heshiisyada (PSA) dhawaan lala galay Shirkadda Liberty Petroleum aad dib ugu soo celiso hanaanka sharci, adigoo u hudbinaaya guddiga isku-dhafka wasaaradeed ee bixinta qandaraasyada (IMCC), si ay uga gutaan waajibaadkooda sharci ee ku qeexan qeybta lixaad ee sharciga iibka iyo qandaraasyada qaranka 2016,” ayaa lagu yiri waraaq kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha toos ugu socod siiyay wasiirka batroolka.
Sidoo kale waxa uu wasiirka uga digay dhaqan-gelinta heshiisyadaasi (PSA) illaa guddiga isku-dhafka wasaaradeed ee bixinta qandaraasyada ay ka gutaan waajibaadkooda sharci.
“In heshiis (PSA) kasta oo aan soo marin hanaanka sharci uu yahay mid waxba ka jirin,” ayaa lagu yiri waraaqdan kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha oo sidoo kale Og laga siiyay Hanti-dhowtka Guud ee Qaranka, Xubnaha Guddiga Isku-dhafka ah, Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa horey heshiisyo shidaal baaris iyo soo saaris ula gashay shirkado iyo dowlado ay ugu dambeysay Turkiga, iyada oo weli aan la bilaabin qodista ceelasha goobaha la cayimay.