Home Wararka Maanta Dekada Muqdisho oo Maantay Lagu Qabtay 7 Konteerar oo lagu soo Qariyay….

Dekada Muqdisho oo Maantay Lagu Qabtay 7 Konteerar oo lagu soo Qariyay….

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku qabatay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho 7 konteenar oo siday raashin dhacay, sida ay sheegtay hay’adda Taya-dhowrka dalka.

Warbixin kasoo baxday hay’adda oo lala wadaagay warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay in maraakiibta la qabtay ay sideen bur dhacay oo lasoo gelin rabay Muqdisho.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in burkan ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo iibsadeen dalka Turkiga, isla markaana ay doonayeen inay soo galiyaan suuqyada, si loo sii iibiyo.

Sidoo kale waxa ay intaasi burka la qabtay ay  bishaan March ku xusan tahay waqtiga uu dhici lahaa, ayna ka hortageen in la geeyo suuqda ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maxamuud Cilmi Fiidshe oo ah agaasimaha kormeerka badeecadaha ee hay’adda Taya-howrka ayaa sheegay in burkan ay ka gudan doonaan masuuliyaddooda, ayna la xisaabtami doonaan ganacsatada dalka soo gelisay.

Sidoo kale waxa uu agaasimuhu uga digay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan in badeecado dhacay ay dalka usoo iib geeyaan, taas oo halis ku ah bulshada.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira oo uu Kansarka kamid yahay ay ka dhasheen cuntooyinka, dawooyinka iyo alaabaha dhacay ee dad ganacsato ahi ay dalka soo galiyaan.

Qabashada burkan dhacay ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay si aad ah u isticmaalaan burka, waana halis wayn oo ay ka hortegtay dowladda Soomaaliyeed
Ad
Previous articleSacuudiga oo waji gabax kala kulmay Robot ay Maxamed u bixiyeen oo gabar ku xadgudbey
Next articleAskartii Dilay Taliye Mustaf oo Dhuusamareeb Maxkamad lagu Soo Taagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here