Home galmudug Waa Imisa Tirada Xildhibaanada Dowlada ay Qorsheesay Ahlu-Suna

Waa Imisa Tirada Xildhibaanada Dowlada ay Qorsheesay Ahlu-Suna

1

wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in muddo kooban dib loo dhigay howlaha dhismaha Galmudug taa badalkeedana mar kale wada hadallo lalal furayo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna si looga qanciyo tabashadooda.

Khilaafka ugu weyn ee labada dhinac ayaa salka ku haya in hoggaanka Ahlu Sunna ay doonayaan in Baarlamaanka cusub ee Galmudug laga siiyo 35 xubnood, balse Dowladda Soomaaliya ay u cuntami weysay,waxaana Warar soo baxaya ay sheegeen in Dowladda ay dooneyso in Ahlu Sunna Baarlamaanka laga siiyo 15 xubnood oo kaliya.

Dhuusa-Mareeb waxaa dhawaan gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in la dardar-galiyo dhismaha maamulka oo cidna loo joojin doonin.

Wixii soo kordha kala soco Mudug24

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. 15 Xildhibaan ma ceyr baa leh mise Habargidir??. Waa 80% Somalida Galmudug dega. 15 Xildhibaan waa 20% ee xubnaha Barlamaanka Galmudug!!!! Ilka yar waa aarsi ee dagaal gala geeridu marbey nolosha dhaantaaye. Xamar oo Somalida deggan 50% ay idinka yihiin waxa leydinku qanciyey 0% Inaad Ku leedihiin, maantana ma waxay taagan tahay Galmudug oo 80% aad leedihiin in 20% leydinka siiyo. War dagaal gala waad guuleysaneysaaye. Together you win, divided you lose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here