Home galmudug (Dhageyso) Shiikh Shaakir oo ka hadlay Ciidanka Dowlada ee Ahlu-suna kala wareegay...

(Dhageyso) Shiikh Shaakir oo ka hadlay Ciidanka Dowlada ee Ahlu-suna kala wareegay Deegaanada Qaar ee Galmudug

1

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug  Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay xaaladihii u dambeeyey ee Galmudug iyo mad madowga soo kala dhex-galay Dowladda & Ahlusunna.

Wareysi uu siiyey Idaacadda BBC-da ayuu ku beeniyey in Ciidamada Dowladda ay Ahlusunna kala wareegeen degmooyinka Matabaan,Guriceel iyo inta badan degmada Dhuusamareeb,hayeeshee uu sheegay in Ciidamada Shaqeynaya inay yihiin Ciidamada Dowladda & kuwa Ahlusunna oo la isku daray.

Waxaa uu soo hadal qaaday Arrinta la xiriira 35 Xildhibana oo ay dowladda u balan qaaday,waxaana uu sheegay inay rajo ka qabaan in la siiyo,isla markaana sida lagu sheegaayo aysan aheyn xaalada Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay guddiga doorashada ay Magacawday dowladda iyo kan isaga uu soo Magacaabey,waxaana uu sheegay in xalinta arrintaasi lagu guda jiro,isla markaana aysan macquul aheyn in Dadkii shalay xoreeyay Galmudug in laga xoreeyo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here