Home Wararka Maanta Dowladda Serbia ayaa ka mid noqotay waddamadda reer Yurub ee lagu tegi...

Dowladda Serbia ayaa ka mid noqotay waddamadda reer Yurub ee lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya.

0
Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka Gudoomiye Muunadda saxda ah Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay u mahad celinaysaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.
Ad
Previous articleDHAGEYSO: Sheekh shaakir oo Ka hadlay duulaanka lagu yahay Guriceel, Xaalada Galmudug, iyo Ciidanka Dowlada ee Dagaalka Ku Jira
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Maanta Booqday Xeebta Liido (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here