Home galmudug Xasan Kheyre oo ka digay in Dhismaha Galmudug loo isticmaalo siyaasad (Dhageyso)

Xasan Kheyre oo ka digay in Dhismaha Galmudug loo isticmaalo siyaasad (Dhageyso)

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay jiraan dad ku fikiraya waxaa ay ka heli karaan dhismaha Galmudug,hayeeshee kuwaas looga baahan yahay inay ka fikiraan mustaqbalka dadka reer Galmudug.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka ku howlan dhismaha Galmudug sida ay u dhaqmaan inay ku xiran tahay Mustaqbalka dadka ay matalayaan,waxaana uu ugu baaqay Odayaasha & Waxgaradka deegaannada Galmudug inay noqdaan kuwo isku dulqaata.

Isaga oo hadal ka jeedinayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayuu sheegay in shirkaan uu gogol xar u noqon doono hay’adaihii kala duwanaa uu lahaa Maamulka Galmudug lana doonayo in la sii xoojiyo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here