Home wararka Dalka (Sawiro) Madaxa Xukuumada Galmudug oo abaal marino gudoon siiyay Saraakiil Ciidan ee...

(Sawiro) Madaxa Xukuumada Galmudug oo abaal marino gudoon siiyay Saraakiil Ciidan ee Fashiliyay Qaraxii Guriceel

0

Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay Saraakiil katirsam ciidanka Ahlu Sunna oo fashiliyay qarax lala damacsanaa munaasabad ka dhaceysay magaalada Guriceel.

Saraakiishan qaarkood ayaa lagu abaal mariyay darajooyin ciidan halka kuwa kalana la siiyay abaal marino ay biskoolado ku jireen, waxaana saraakiishan la sheegay in ay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah.

Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir  ayaa sheegay in saraakiishaan ay mudan yihiin bilad geesinimo iyo abaal marino qaali ah, waxa uuna xusay in ay dhiigooda u hureen bad baadinta madaxdooda iyo shacabka .

Saraakiisha darajooyinka iyo abaal marinta la siiyay ayaa waxaa isugu jireen saraakiil katirsan ciidanka Nabad sugida Ahlu Sunna iyo sidoo kale ciidamo kamid ahaa ilaalada Sheekh Maxamed Shaakir.

Ciidamo katirsan kooxda Ahlu Sunna ayaa 23-dii bishii May ee Sanadkan fashiliyay nin la sheegay in uu doonayay in uu isku qarxiyo munaasabad ka socotay Guriceel oo ay goob joog ka ahaayeen Sheekh Shaakir iyo masuuliyiin kale oo katirsan Kooxda Ahlu Sunna.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here