Home wararka Dalka (Sawiro) Wasiiro ka tirsan Dowlada oo Sawir la galay Madaxweynaha Somaliland iyo...

(Sawiro) Wasiiro ka tirsan Dowlada oo Sawir la galay Madaxweynaha Somaliland iyo hadal heen ka dhalatay

1

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa magaalada Mina ee Boqortooyada Sacuudiga ay u joogaan gudashada Axwaasha Xajka waxa ay isku arkeen Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi iyo Wasiiro katirsan maamulkiisa.

Sheeko iyo kaftan dhax martay kadib Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa markii dambe waxa ay galeen sawir hadal heyn badan dhaliyay oo lasoo galiyay baraha bulshada.

Sawirada ay galeen Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ay wehliyana Wasiiro ayaa laga dhax arkayay Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo dhoola cadeenaya halka Muuse Biixi iyo Wasiiradiisa aysan dhoolo cadeyn ka muuqan.

Wasiirada Muusi Biixi is arkeen ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda  Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. Kulanka Madaxda DFS iyo Soomaaliland waa Talaabo Wanaagsan oo horey loo qaaday dhanka horumarka iyo Nabadda ee Soomaaliya.

    Waxaan Alle uGu barayayaa dhamaan madaxada gudatay waajibaadka Xajka inuu ka aqbalo acmaashoodda wanaagsan, una dambi dhaafo, isla mar ahaantana uGu deeqo janaddiisa fardowsa – Allahuma Aamiin.

    Waan uGu hambaleyeynayaa sida ay labadda dhinac sida Wanaagsan oo ay u muujiyeen ama xilka isaga saareen, isla mar ahaantaan ogolaadeen iyo cidna aysan qasbeyn ama gadaalk ka riixeen in KULANKAASI QIIMAHA LEH DHEX MARO.. WAXAA HALKAASI KA CAD IN LA WADA, IS FAHAM XAL WAARA KEENANA LA GAARI KARO..” AAN WADA HADALNO WAA AAN WADA HESHIINO.. Sidoo kale, taasi waxay na tuseysaa ama noo iftiimineysaa in KULAMADDA WADA HADAL EE DHEX MARI DOONO LABADDA DHINAC LAGU QABAN KARO MID KAMID AH MAGAALOOYINKA WAA WEYN EE DALKA ( HARGEYSA-MUQDISHO )

    kULANKA, dhex mari doono labadda dhinac waxaan rajeynayaa inuu noqdo mid GUUD AHAAN SHACABKA SOOMAALIYEED U HORSEEDA WANAAG, MIDNIMO, IS FAHAM, HORUMAR IYO WADA JIR.

    SHACABKA SOOMAALIYEED ALLE HA KU UGU DEEQO MIDNIMO, HORUMAR IYO BARWAAQO.

    SOOMAALIYA MIDEYSAN WAXAY NOQON KARTAA HOGAANKA QAARADDA AFRIKA, ISKU XIRAHA QAARADDA IYO QAARADAHA CAALAMKA, SUUQA UGU WEYN EE AFRIKA MAADAMA DALKA UU LEEYAHA XEEBAHA UGU DHEER EE QAARADDA, DALKA UGU WEYN EE DHOOFIYA SHIDAALKA CAALAMKA, DALKA UGU HOREEYE EE DHOOFIYA QUDAARTA, XOOLAHA NOOL, MACDANTA, DALKA UGU WEYN EE CANSHUURAHA BADDA KA HELA CAALAMKA MAAADAMA UU DALKU KU YAALO MEEL MUHIIM U AH CAALAMKA. SOOMAALIYA WAXAY SIDOO KALE NOQON KARTAA MID SI XAD DHAAF AH U DHOOFISO KALUUNKA IYO DHAMAAN QEYRAADKA DABICIGA AH EE BADDA LAGA HELO.. HALKAAN LAGUMA SOO KOOBI KARO WAXA AY SOOMAALIYA NOQON KARTA.. LAAKIIN WAXAA HUBAAL AH SI LOO HELO JAWI DEGAN, NABADD IYO XASILOONI WAA LAMA HURAAN IN LA HELO SOOMAALIYA OO MIDEYSAN, NABADDNA AH ISLA MAR AHAANTAANA XASILOON.

    NABADD IYO NOLOL WACAN – INSHA ALLAH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here