Home Wararka Maanta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ku Guulaystay Hogaanka Guddiga Afrika (Sawiro)

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ku Guulaystay Hogaanka Guddiga Afrika (Sawiro)

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa ku guuleystay Hoggaanka Guddiga Africa ee CDC ee heerka wasaaradeed ah isla markaanna ay xubno ka yihiin waddamo badan oo Africa ah ,kadib tartan adag iyo Olole xooggan oo ay gashay labaddii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa suurto geliyay in gushaas taariikhiga ah ay gaarto dowlada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka cafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Bulaale*] oo Soomaaliya ku matalayay Shirka lagu dooranayay hogaanka cusub ayaa dedaal dheer iyo olole balaaran galiyay in Somalia madax ka noqoto guddigan heerka wasaaradeed ah isla markaana usoo hooyay guushan Soomaaliya.

Guddigan heer wasaaradeed ah ee Africa cdc, waa hay’ad farsamo oo Midowga africa u qaabilka oo ay howsheedu tahay inay ka caawiso Dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika dadaallada ay ku ogaanayaan, qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka bulshada iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta, iyo siyaasadood,iyada oo la horumarinayo awoodda xirfadlayaasha caafimaadka dadweynaha iyo kaalmada farsamo ee la siinayo waddammada ay soo food saartay walaacyo caafimaad oo murugsan.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Qoor qoor iyo xubna ka Tirsan DFS oo ka Qeyb-galay Munaasabada Caleema saarka Gudoonka Cadaado (Sawiro)
Next articleDowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Go,aan ka Dhan ah Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here