Home Wararka caalamka Caalamka oo dhibaato xoogan ka muujiyay Shirkada Facebook oo sameesaneysa Lacag gooni...

Caalamka oo dhibaato xoogan ka muujiyay Shirkada Facebook oo sameesaneysa Lacag gooni u ah

0

Shirkada xiriirka bulshada ee Facebook ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku sameesato lacag gaar ah, waxaana qorshahan durba walaac xoogan ka muujiyay Mareykanka iyo Midowga urub.

Maamulka sare ee Shirkada Facebook ayaa go’aamiyay in dhawaan lasoo saaro lacag cusub oo digital u gaar ah, lacagtan casriga ah ay soo saareyso shirkada Facebook ayaa loo bixiyay ‘Libra’, waana lacag la doonayo in Moobeelada la isaga diro.

Sharci dajiyayaasha dalalka Mareykanka iyo Yurub ayaa durba walaac xoogan ka muujiyay lacagtan cusub ay Facebook qorsheeneyso in ay soo saarto, waxa ayna ugu baaqeen shirkada Facebook in ay mashruucan hakiso.

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Maaliyadda ee Aqalka cad ee Maraykanka Maxine Waters , ayaa sheegay in Facebook ay joojiso soo saarista lacagtan ‘Libra’ ilaa ay ka talo bixiyaan waaxaha dawladeed ku shaqo leh arrimahan iyo sharci yaqaannadu.

Shirkada Facebook ayaa qorshaheeda ay lacagta ku sameesaneyso kala kaa shanaysa 27 shirkadood oo kale, oo ay ka mid yihiin Mastercard, PayPal iyo Uber, si ay u sameeyaan hay’ad fadhigeedu yahay Geneva oo xukunta lacagtan cusub.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here