Home puntland Maxay ka wada Hadleen Madaxweynaha Punyland iyo Senatarada Puntland oo ku kulmay...

Maxay ka wada Hadleen Madaxweynaha Punyland iyo Senatarada Puntland oo ku kulmay Garoowe + Daawo Sawirada

0

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa magaalada Garawe kulan gaar ah kula yeeshay  Senetarada Aqalka sare ku matala maamul goboleedka Puntland ,kuwaa oo dhawaan gaaray magaalada Garawe.

Kulanka dhax maray Madaxweyne Deni iyo Senatarada Puntland matala ayaa ahaa mid looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka wali ka dhax aloosan dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Senetarada ayaa Madaxweyne Deni la wadaagay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sida ay uga soo horjeedana Senetarada habka ay wax u wado dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna u balan qaadeen Deni taageero iyo garab istaag.

Madaxweynaha Puntlanad iyo Senetarada la kulmay ayaa ka arinsaday sidii go’aan mid ah uga qaadan lahaayeen dowlada federaalka, waxa ayna labada dhinac u balameen kulamo kale ay ka yeeshaan xaalada taagan.

Saciid Deni ayaa kulanka kadib Warbaahinta u sheegay in isaga iyo Senetarada kawada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka halka uu hada marayo iyo waxa kala gudboon maamulka uu hogaamiyo.

” Waxaan Kulan la yeelanay xubno Aqalka sare ku metela Puntland, dood dheer iyo isla-falanqayn ayaan ka yeelanay xaaladda dalka, meesha uu marayo, Puntland iyo waxa la gudboon, sidaas darteed ayaan doonaynaa in aan la wadaagno bulshada Puntland welwelka aan ka qabno habka siyaasadeed iyo dalka sida loo maamulayo”. ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in qataraha ugu weyn ee Puntlanad dareemeyso in ay tahay dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynayo lagana weeciyay wadadii uu ku socday sida uu tilmaamay.

“Khataraha ugu badan ee Puntland dareemayso waxaa ka mid ah in nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynaayo oo uusan wadadii loo baahnaa uusan ku socon, waxaa halkaas marka kasoo baxaysa in habka dalka hadda lagu wado uusan ahayn habkii lagu heshiiyey”. ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Senetarada Aqalka sare katirsan ayaa dhankooda sheegay in ay garab taagan yihiin Madaxweynaha Puntaland, waxa ayna sidoo kale soo dhaweeyeen shirka uu Madaxweynaha ku dhawaaqay ee ka dhacaya Garawe.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here