Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo ka Hadlay Geerida Xildhibaan Shiikh Shaacir Shiikh Max’ed

Xasan shiikh oo ka Hadlay Geerida Xildhibaan Shiikh Shaacir Shiikh Max’ed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Hore Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa Golehii 10-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Sheekh Shaacir uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariiste Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisa iyo ummadda Soomaaliyeed na samir iyo iimaan ka siiyo.

Ad
Previous articleDowlada Ingiriiska oo Soo Dhawaysay Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland
Next articleXulka Hirshabeele oo Dacwad Culus ka Gudbiyay Xulka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here