Home Wararka Somaliya Somaliland Dowlada Ingiriiska oo Soo Dhawaysay Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland

Dowlada Ingiriiska oo Soo Dhawaysay Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland

0

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee haatan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga billowday dalka Jamuuriyadda Jabuuti, si dib loogu amaba qaado dadaalladii hore u socday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horreyntee lagu soo dhaweeyay war-murtiyeedka kasoo baxay shirka ay labada dhinc ku yeesheen dalka Jabuuti, iskuna arkeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ingiriisku uu soo dhawaynayo heshiiska haatan laga gaaray sii amba qaadida wada-hadallada labada dhinac, iyada oo UK ay ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo xaga dib u heshiisiinta loo qaaday.

“Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedka ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, Xasan Sh. Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi ee Jabuuti, waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dib-u-heshiisiinta” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

UK ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay wada-hadallada dib u billowday ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay horay dalkeeda uga dhaceen shirarkii hore ee wada-hadallada ku saabsan dowladda federaalka iyo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Jabuuti oo ka kooban 8 qodob ayaa waxaa lagu go’aamiyey in mar kale dib loo bilaabo wada-hadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wada-hadallada.

Waxaa kale oo bayaana lagu yiri “In garowshiyihii dowladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfaladii iyo burburintii dowladii militeriga ay u geysatay dadka gobollada waqooyi ay u geysatay ka garaabidioda ay sii wado”.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraalada iyo wax kasta oo wax u dhibi kara jawiga wadahadallada ee socda.

Ad
Previous articleXamze cabdi bare oo Dhex ku Caajisay Shir uu maantay Ka Qayb Galay
Next articleXasan shiikh oo ka Hadlay Geerida Xildhibaan Shiikh Shaacir Shiikh Max’ed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here