Home wararka Dalka Maxaa keenay in Dowlada ku Fashilmato Cadaadiska ay saartay Maamul Goboleedyada Somaliya

Maxaa keenay in Dowlada ku Fashilmato Cadaadiska ay saartay Maamul Goboleedyada Somaliya

0

Sida Muuqato Madaxda Maamulada ayaa ku shirsan Dalka kenya halkaasi oo kula kulmayaan Madax ka socoto Qaramada midoobe iyadoo qodobada ugu muhiimsan ee kulamada diirada lagu saarayo sidii loo soo celin lahaa Dhaqaalaha beesha Caalamka ay siin jirtay Maamulada Dalka.

Madaxda hada ku sugan Kenya waxaa kamid ah Madaxweynaha Galmudug kan Puntland iyo Jubbland hadii shirka uu dhaco waxaa muuqaneysa in dowlada Somaliya ay ku fashilmatay cadaadiska xoogan ay saartay Maamulada.

Fashilka Dowlada ayaana keenaya dhoor arimood waxana kamid ah Xiriirka xumaaday ee Dowlada Somaliya iyo beesha caalamka kadib markii ay burisay wakiilka beesha Caalamka ee Somaliya.

Arinka kale ayaa ah in Dowlada Somaliya ay jartay dhaqaalaha ay siiso Madaxda Maamulada taasi oo soo marta Dowlada Somaliya oo mudo dheer aan lacagtaasi siinin maamulada dalka.

Dowlada somaliya ayaa isku furtay  mowjado siyaasadeed oo aan horay ula kulmin Dowladihii soomaray Dalka taasi oo keentay in culees xoogan uu hada soo wajaho madaxda Dowlada.

Sida mudug24 baahisay Bishii hore madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa sheegay in mudo 8 bilood aysan dowlada ka helin wax dhaqaalo ah isla markana ka jaratay lacagta ay xaqa u lahaayeen.

Beesha Caalamka ayaa hada heshiis toos ah iyo wada xaajood ula galeysa Madaxda Maamul Goboleedyada iyadoo lacagta u soo marineysa qaab caawinaad iyo gargaar sida mudug24 xog kaga heshay Galmudug.

Mudug24 Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here