Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn dagaal”

0

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Federaalka, oo maanta ka furmay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo khudbaddiisa kaga hadlay arrimo badan ayaa ku soo qaaday dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo maanta ay lix bilood u buuxsantay muddada uu xafiiska joogay ayaa sheegay in bilowgiiba uu la kowsaday laba mushkhiladood oo aad u waaweyn, kuwaa oo uu ku kala sheegay xaaladda amniga ee dalka, oo maleeshiyada Al Shabaab ay weerarada kordhiyeen iyo abaaraha halakeeyay qaybo ka mida gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waddada keliya ee dowladda u furan ay tahay inay dagaal kaga adkaato Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, bacdamaa ay halis ku yihiin nabadda dalka.

“Maanta dalkeena iyo dadkeenuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho lahayn, meel guuldarradu aanay boos ku lahayn/uga bannaanayn, waxaan go’aansanay inaan u guntano dagaal dalka looga sifeynayo Khawaarijta.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xusay in ka Madaxweynaha ahaan uu soo waayay jid aan ahayn inaan difaacno buu yiri karaamadeena, Islaamnimadeena iyo qaranimadeena.

“Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn inaan difaacno karaamadeena, Islaamnimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadkuba waxay innooga baahan yihiin xil gudasho dhameystiran, oo ah in aan dhinac uga soo wada jeedsano halka cadow ee Soomaaliyada maanta ay leedahay. Waa inaan isku garabsiino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadow ee maanta aan leenahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Dib-u-xoreynta dalka oo dhan waa waddada keliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah, oo uu sharcigu sarreyo.”

Ad
Previous articleMadaxweynaha Koofur Galbeed Oo Magacaabay Wasiirka Cadaalada Maamulkaasi.
Next articleTirada Dadka laga Eryay Shaqada oo korortay Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here