Home galmudug Wasiir arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb iyo...

Wasiir arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb iyo Ujeedada Safarkiisa.

0

Xiriirka Dowlada Federaalka ah iyo maamulka Gal-Mudug ayaa xumaa tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Xaaf labo sanno ka hor, waxaana uu maamulkaas dhowr jeer muujiyay cabasho badan oo la xiriirta fara-galinta Dowlada dhexe.

Dowlada Federaalka ah ayaa markaan u muuqata iney aqbashay cabashada Gal-Mudug ayna u istaagtay in arrintaas xal waara loo helo. Xiriirka liita ee labada dhinac wuxuu shaki galiyay qabsoomida doorashada Gal-Mudug ee loo balansan yahay bartamaha sanadkaan.

Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Sabriye ayaa maanta tagaya Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka bilaabanayan wada hadalo lagu xalinaayo is mari-waaga Gal-Mudug.

Dowlada Federaalka ah ayaa u muuqata iney hada toos u wajahaheyso xaalada Gal-Mudug. Wasiir Sabrie oo dhowaan ka hadlaayay arrimaha Gal-Mudug ayaa sheegay in xukuumadu ay fahamsan tahay ahmiyada maamulkaas ayna muhiim tahay in la helo xal uu dhinac walba qaadan karo.

Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxweyne Xaaf, wasiirka koowaad Shaakir, hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale la filan karaa inuu tago Cadaado oo tabasho qabta iyo sidoo kale Xeraale oo ay dagaal beeleedyo ka jiraan.

Villa Soomaaliya waxey dooneysa in doorashada Gal-Mudug ay waqtigeeda ku dhacdo, waxaanse la ogeyn sida ay isku fahmi doonaan wefdiga ay Dowladu maanta u dirtay Gal-Mudug iyo hogaanka maamulkaas oo mudo gadoodsanaa.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here