Home Wararka Maanta Dagaal Beleed Markale Ka Qarxay Gobalka Shabeelada Dhexe

Dagaal Beleed Markale Ka Qarxay Gobalka Shabeelada Dhexe

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo gelinkii dambe Talaadadii ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaanada Qailimow iyo Bacaadley oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu daba socdo muran ka dhashay dhul beereed ku yaalla halkaasi oo ay isku qabteen laba beelood oo kasoo kala jeeda deegaanadaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Bacaadley oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in boob lagu hayo beerahooda, lagana dhaawacay hal wiil.

“Beeraha makiino ayay keenaayaan, waana xadaayaan habeenkii, aniga hal wiil ayaa iga dhaawacmay oo loo qaaday Jowhar” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Bacaadley.

Sidoo kale Abuukar Maxamed oo kamid ah waxgaradka deegaanka Qalilmow oo isna la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in duulaanka lagu soo qaaday, loona adeegsaday hubka dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Abuukar ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dagaalkii shalay looga dhaawacay ugu yaraaan laba qof oo ay soo gaartay waxyeelo halis ah.

“Annaga maanta waa nalagu soo duulay, ciidan fara badan ayaa naloo adeegsaday laba qofood ayaa naga dhaawacantay oo dhaawac culus ah” ayuu yiri Abuukar Maxamed.

Waxaa kale oo uu farriin u diray maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka codsaday inay soo farageliyaan xiisadda dagaal ee ka taagan halkaasi.

“Waxaan dalbaneynaa in maamulka gobolka uu arrintaan soo farageliyo ama uu soo diro guddi xaqiiqo raadin ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyo, kuwaas oo dib u dhigay horumarkii gobolkaasi, waxaana loo waayay in loo helo xaal waara.
Ad
Previous articleAlshabaab iyo Koox ajaanib ah oo la Shaqaynaysay oo duqayn Culus lala Beegsaday
Next articleIsimada SSC-Khaatumo oo ku ku jiray dhex-dhexaadinta Deni iyo Mucaaridka Puntland oo maanta go’aan rasmi ah ka soo saaray Khilaafka ka taagan Arrimaha doorashada 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here