Home Wararka Maanta Uganda Oo Ka Laabatay Xukun Dil oo Lagu Riday Askar 8 Shacab...

Uganda Oo Ka Laabatay Xukun Dil oo Lagu Riday Askar 8 Shacab Ah ku Xasuuqay Degaanka Golwayn ee shabeelada Hoose .

0

Sida ay qortay wqrbaahinta dalka Uganda, askartii Rayidka ku laysay deegaanka Golweyn ayaa laga laabtay xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda Racfaanka Dalka Uganda ayaa ka laabatay xukun dil ahaa oo lagu riday 2 ka mid ah Askartooda oo sanadkii hore 8 qof oo rayid ah ku dilay Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Garsooraha Maxkamadda Racfaanka ayaa sheegay in go’aankan uu ka dhashay soo jeedin ka timid Taliyayaasha Ciidanka Uganda ee joga Soomaaliya oo ku dooday in Askarta ay ku sugnaayeen goob dagaal, isna difaacayeen.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in maxkamadda laga horsheego in sababta go’aanka dilka markii hore askarta loogu riday ay eheyd si loo qanciyo shacabka Muqdisho, maadaama ay si aad ah uga gadoodeen arrintaas, ayna maalmo dhigayeen bananabxyo.

Ad
Previous articleBeelkale oo Kasoo Jeeda Galmudug oo Maantay Ciidamo Ka Dajinaaya Baladweyne
Next articleBeesha Mursade oo Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal Ka Dajiyay Baladweyne(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here